Inkasta oo ay Shirkadda DP-World muddo kasoo cago jiidaysay qorshaha ballaadhinta Dekedda Berbera oo heshiiskii lala galay qayb ka ah ay wakhtigan hirgalayso iyadoo ay hore u dalbatay islamarkaana ay doonaysay in muddo sannad dib loogu dhigo haddana waxa arintaasi ganafka ku dhuftay oo ka diiday Madaxweyne Muuse Biixi, isagoo sida la sheegay ballan ku qaaday in in haddii ay maalin dhaafto wakhtiga heshiisku ahaa in Dhismaha ballaadhinta Dekeda Berbera lagu bilaabo uu laali doono dhammaan heshiiskaasi.
Ilo-wareedyo Arrinkan u dhuun daloola oo Xalay Wargeyska Foore soo gaadhay ayaa tibaaxaya in Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi la filayo in uu toddobaadan soo socda Soo dhagax dhigayo halka dekedda Cusub laga dhisayo ayaa waxa la filayaa inay arrintaasi iyo dhagax dhigaasi goob joog ka noqdaan masuuliyiinta sar sare ee Shirkadda imaaraatiga ah ee Dp-World. Wakhtigii uu heshiiskan balaadhinta Dekedu ahaa inay Dp-World bilawdo ayaa bishan kaga eg.
Si kastaba ha ahaatee shacabka Somaliland oo muddo sannado ah u dheg taagayay heshiiskaasi iyo halka uu ku dambayn doono ayaa waxa ay walaac weyn ka qabeen suurto galnimada heshiiskaasi iyo sida aanay wali shirkadda qandaraaskan lagu siiyay aanay waxba uga qaban ballaadhinta dekedda Berbera inkasta oo ay dhinaca maamulka iyo socodsiinta shaqada Dekedda ku hawlanayd tan iyo markii ay sida rasmiga ah ula wareegaan muddo xileedkii xukuumaddii hore ee uu gadh wadeenka ahaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Xigasho- Foore