Xadhiga Dabka Ee Taleefanka Gacanta Oo Gallaaftay Nolosha sideed Qof Oo Isku Qoys Ahaa !

0
105

Dadka u dhashay Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waxay baraha bulshada aad ugu qaadaa dhigeen dhacdo naxdin iyo murrugo badan oo ka dhacday Caasimada Dalkaasi ee Abu-dabi.

Sideed qof uu dhashay dalkaasi ayaa waxay ku naf waayeen Gurigii ay deganayeen kadib markii uu dab ka kacay, dabkani ayaa waxa sabab u ahaa xadhiga dabka (Charger) ee taleefanka gacanta oo qarxay xilli taleefankaasi lagu dabaynayey.

Sidaana waxa lagu baahiyey Saxaafada Emarate’s Today ee ka soo baxda dalkaasi oo Wargeyska Himilo uu ka soo xigtay.

Sidoo kale, waxa dhakhtar la dhigay oo ay ku jiraan afar qof oo ka tirsan qoyskaasi oo qiiqii ka dhashay dabkaasi ka kacay gurigaasi uu sababay inay koomo galaan.

Mulkiilaha gurigaasi gubtay oo isagu ka badbaaday dhibaatadaasi oo magaciisa la yidhaahdo Badyawi Al-kathiri ayaa waxa uu yidhi, “Waxa ku geeriyooday gurigayga sideed qof waxaanay kala ahaayeen laba gabdhood oo aan dhalay, walaalkay iyo gabadh uu dhalay, walaashay iyo saddex carruura oo ay dhashay, Ilaahay ha u naxariisto ayaan leeyahay”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here