Qisada Layaabka Leh Ee Ku Duugan Nin Kaliya Ku Taajiray Saacado Gudahood

0
101

Ninka asaasay shirkadda tagaasiista ee Uber Travis Kalanick ayaa si rasmi ah u noqday bilyaneer saacado gudahood, kadib markii shirkadaha waaweyn ee dalka Japan ay saami badan ka iibsadeen shirkaddiisa aadka u kobcaysa.

Shirkadahan ayaa Uber ku bixinaya $8 bilyan oo doolar waana lacago aanu marnaba filayn markii uu mashruucan bilaabayay. Ninkan oo xilka agaasimenimada Uber isaga dagay bishii June ayaa iska iibinaya saamiyo qiimahooda uu ku kacayo $1.4 bilyan oo doolar.

Inkasta oo muddo dheer uu ahaa nin hantiile ah, haddane heshiiska cusub ayaa waxa uu xaqiiqo ka dhigayaa in uu yahay nin bilyan dheer ah, lana hubo in uu lacagta heysto.

Wali madax ayuu kasii yahay shirkadda Uber oo la timid fikrad caafimaad qabta oo ah in qofku uu tagsi ka dalbado taleefoonkiisa. Waxa uu qofku arki karaa masaafada uu tagsigu usoo jiro, daqiiqadaha uu ku imanayo, halka uu geynayo, magaca iyo sawirka wadaha, iyo waliba taarigada gaadhiga, macluumaadkaas oo dadka ka caawinaya xagga badbaadada.

Mr. Travis oo lagu xusuusto mashaakilaadkii iyo muranadii uu kasoo maray ganacsiga sida in uu xaday fikado ganacsi oo ay Google leedahay ayaa maal-galintan cusub uga faa’iideysan doona balaadhinta shirkaddiisa isaga oo sidaa ku noqday nin saacado ku noqday Bilyanneer.

Qorshaha ninkani waxa uu yahay in Uber ay ku faafto magaalo kasta oo adduunka ka mid ah, islamarkaasna xoojiso aasaaskeeda.

Iskaashatada shirkadaha Japan ee maalgashiga sameeyay ayaa qaadanaya boqolkiiba 29% saamiga shirkadda Uber, waxayna yeelanayaan 2 ka mid ah guddiga bud-dhigayaasha oo ka kooban 17 qof, kuwaas oo gaadha go’aamada rasmiga ah.

 

 

Laasgeelnews.com

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here