Mid Ka Mid Shilalka Baabuurta Ee Ugu La Yaabka Badan Dunida !

0
31

Shilal kala duwan oo Gaadiidka ah oo sababa dhimashada iyo dhaawaca iyo burburka hantida ayaa had iyo jeer ka dhac guud ahaan dunida, waxaana jira shilal aan haba yaraatee la sawiran karin siday u dhaceen iyo baaxada khasaaraha ka dhashay.

Gaadhi Nooca Xamuulka qaada ah ayaa waxa uu galay Mid ka mid ah Daaqadaha Aqal ku yaalla Magaalada Nablus ee Dalka Falastiin, aqalkaasi ayaa ah mid dhismihiisu uu socdo.

Shilkaasi ayaa waxa ku geeriyooday laba qof oo u dhashay Dalkaasi Falastiin oo saarnaa Gadhigaasi isla markaana mid ka mid ah labadaasi qof uu ahaa wadihii baabuurkaasi, ciidammada Nabadgelyada waddooyinka ee Dalkaasi ayaa waxay sheegeen in shilkaasi uu ka dhashay Waddo buur ku taalla sababtuna ay tahay in baabuurkaasi uu ka soo siibtay Waddadii uu socday.

Ma jirto wax faahfaahin ah oo intaasi dheer oo ay ciidammadaasi ka bixiyeen sidii uu shilkaasi u dhacay, balse Sawirka  Inoo muuqda ayaa ka turjumaya sida aadka u layaabka badan ee shilkaasi uu u dhacay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here