Xuquuqdaada Laysku Leeyahay marka Laga Hadlaayo ( Xukuumad, iyo Shacabkeeda,) W. Q. Siyaasi Cali Daacuun

0
46

Wax yabaha ii- gu Naxdinta badanh, ee aan inta Badan maqlo waxa Ka mid ah faallooyinka ku Saabsan Dawladnimada., iyo Sida Loo Dhaliilo, Amma Loo ammaano, xukuumaddau Waxay aad ugu Dadalaysaa in ay ka Fogaato Khaldaad ay u Geysato Shacabkeeda Nidaamka dawladnimo.( Waxaad moodda In Shacabku U Fahmey Ka Daneyso Balse Arintu Sidaas ma aha ee waa Yeello Astaan Qaranimo Kuna Noolow Karaamad iyo Sharaf sida ay Caalamku Ugu Noolyihiin.

Waxa cad in dadkeennu badi aaney fahmin waxa xaqa loo-gu leeyahay marka aynu ka Hadleyno Dawladnimo iyo Shuruuc dawli ah, Horta waa inaad Leedahay wax ku Dabra oo aad dhawrto Si Taadana Loo Dhawrro waxa ay caddaaladi tahay, waa sharci iyo xeer, Lagu Heshiye
in Lagu Dhaqmo oo Keli ah . Lagana Gubin Xaydaankaas Haddii aad Tahay Shacab Ama Xukuumad waajibka muwaadin ahaan saaran ee ay tahay in uu waajibkisa Guto.

Marka la-ga yimaaddo heshiis bulsho ay ku Heshiisey Sida dawladnimo waxa u (Miftaax ah) waa gudashada waajibaadka ee muwaadiniinta. Marka ay Gutaan waajibkooda muwaadinnimo ayey Helayaan xaqa dawliga ah oo dhammaystiran. Haddii aadan gudan waajibkaaga ma aha in aad filato Ama Hesho xaq iyo xaquuq dawladnimo. Maxaa yeelay
maba aadan Gudan Xuquuqdii Lagugu Lahaa.

Qof aan shaqayni ma u Dacwoon ka-raa mushahar la’aan? Jawaabtu waa Maya,? Sidaa si la mid ah muwaadinka aan Dhowrin Qaranimada ee aan ilaalin sharciga iyo Xeerka ma Heli karo xaq uu ku ( Doodo) . Dawladnimadu waa wax is-waydaarsi Waana la Wada Leeyahay . Muwaadinka waajibkiisa gudanaya iyo dawlad xaqa muwaadinka ilaalinaysa.( Dawlad- nimadu waa intaas oo la Fahmo)

Haddii mid la waayo (gudashada waajibka), ma suurtoobi karto in kan kale la helo (helista xaqa dawladnimo). Sidaa darteed, dhaliilaha muwaadinku u Jeediyo dawladdiisa waxa ay sax noqon karaan marka uu isagu guto waajibkiisa oo uu yahay mid ka soo dhalaalay,, Sidaa si la mid ah ayaa laga Rabaa in ay dawladdu Shaqadeeda ka soo Baxddo kolkaas Ayaa loo Soo jeedin karaa Amaan iyo Bugaadin,,Siyaasi Cali
Daacuun

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here