Maxaa Kala Socotaa Cida Keentay Markab Sida Shidaal Oo Soo Gaadhay Dekadda Berbera Iyo Qiimaha Lagu Kordhiyay

0
464

HARGAYSA(LGN) Dhawaan ayay ahayd Markii Madaxwaynaha Somaliland Soo Saaray Wareego Xukuumadu Kula wareegtay Gacan ku haynta Haamaha Kaydka Shidaalka ee Magaalada Berbera oo Hore ay Gacanta Ugu Shirkado Xukuumadii hore ku Wareejisay Taasi Wareejinteeda ay isku Khilaafeen Xukuumada iyo Shirkadahaasi Hore Umaamuli Jiray, wallow ay xukuumadu shaacisay in maalintii shalay ahayd la wareegeen gacan ku haynteeda iyada oo aanay goob joog ahayd shirkadihii hore u maamuli jiray Haamuhu

Sidoo kale Waxaa  maalmihii udanbeeyay laga cabsi qabay shidaal la,aan dalka soo foodsaarta ayaa waxaa habeenkii xalay dekeda berbera soo gaadhay markab sida shidaal.

Xukuumada ayaa iyadu hore u Shaacisay in ay keeni doonto Shidaal

Hadaba Wararka kasoo baxaya  Cida keentay Shidaalkan ayaa Ah kuwo aan wali sirasmi loo ogayn iyadoo xogaha aanu ka helaynaa tibaaxeen in markabkan shidaalka ah ay keeneen ganacsato reer Somaliland kuwaasi oo gacan saar dhow lale xukuumada Madaxwayne Muuse Biixi Ayna yihiin labo ganacsade oo ay hayb ahaan kasoo beesha madaxwaynaha Somaliland.

Dhanka kale wararka aanu ka helayno magalaada berbera iyo ilo ku dhow dhow maamulka haamaha ayaa tibaaxay in qiimaha shidaalkan uu ka qaalisan yahay kii hore dalka iman jiray iyadoo foosta kasta lagu kordhiyay mid 10$ taasi oo ka ka dhigaysa in qiimaha guud ee foostada shidaalka ahi  noqoto 157$ halka  ay hore uga ahayd 147$

Kor ukaca lagu sameeyay shidaalka Somaliland ee laga soo qaadanayo magaalada berbera ayaa xiligan noqonaya mid uu ka jaban yahay ka ay ganacsada  kaalmaha shidaalku kasoo iibsadaan  wadamada jaarka, sida Itoobiya iyo jabuuti oo qiimaha foostada ay kasoo iibsadaan ay taagan tahay 152$ udhaxeeyay faraqa 6$.

Sikastaba ha ahaatee Talaabadan ayaa Noqonaysa hadii ay dhabowdo mid horseedi doonta mid qaali laga iibiya shidaalka shacabka Somaliland oo markii horeba la ildarnaa sixir bararka miciishada, waxayna tani dhaawac ku tahay rajadii laga filayay xukuumada u gadhwadeenka ka yahay Madaxwayne Muuse Biixi in ay waxka qaban doonta sixir bararka Ka Jira dalka,

 

Laasgeelnews.com

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here