Isbeddellada Adduunka Ka Socda, Iyo Majaraha Aqoonsiga Somaliland W/Q Aadan Muuse Jibriil

0
31

Hore ayaa loo yidhi, dhacdooyinka ayaa taariikhda sameeya, dhacdooynkana dadkaa sameeya, oo Eebe u siiyey maskax mugweyn oo awood u leh samayntooda iyo hoggaamintooda ba. Sidaas darteed, dhacdooyinka waa la hoggaamiyaa ama ayagaa ku hoggaamiya. Haddaba, dhacdooynka dunida ka socda ayaa abuuray isbeddello qoto dheeridooda iyo baaxadooda ku beddelaya qaababkii fekerka syaasadda iyo dhaqaalaha ee hore kuwo cusub oo saameeyana keenay Geeskan Africa. Haddii loo fiirsado waxaa la arki kara in Isbeddelladan gobol ka socdaa ay xidhiidh toosa la leeyhiin isbeddelka baaxada weyn ee qotada dheer oo labaatankii sannadood ee ugu danbeeyey dunida ka socdey. Halka markii hore Maryankanka iyo xulafadiisu keligood dunida ku amar ku taaglay jireen ayaa laga soo bilaabo 1998kii, waxaa soo muuqanayey ifafaalaha soo bixitaanka Shiinaha iyo Ruushka (China and Russia), kuwaas oo horumarkoodu gaadhay heer aan qarayn karin iftiinka ka soo shaacaya oo si ballaadhan oo degdeg ah dunida ugu fidaya. Maxaa yeelay waxay noqdeen xoogag caalami ah, dhaqaale ahaan, siyaasad ahaan iyo militeri ahaan ba.

Ibeddelkaasi waxuu keenay inuu aduunka ka abuurmo Xaalada Cusub oo Caalami ah (New World Order) kaas uu hormood ka yahay ururka Iskaashiga  caalamigi ah ee loo yaqaan BRICS, oo ay ku bahoobeen dalalka, Brazil, Russia, India, China, iyo South Africa, oo metala 3.1 billion oo qof oo dunida ku nool ama boqolkiiba afartan iyo kow Aadamaha (41 % dadka dunida ku nool).

Dawladihii dalalka Adduunka Saddexaad oo markii hore aan haysan xoog kale oo ay ku dano-darsadaan, amase hadday doonaan ku doorsadaan Maraykayn iyo xulafadiisa ayaa hadda helay dawlado kale oo ay si siman oo caddaalad iyo isqaderin leh wax u wada qabsan karan kuwaas oo  noqatay xaqiiqo jirta oo ka mid adduunka Cusub (new world order). Halkaas oo ay hubka iyo daqaale ahaanba kula wadaagi karaan si ku dhisan iskaashi xushmad leh.

Waxaana si gaara arrinka isbeddelka miisaanka quwadaha caalmka si weyn ugu badhaadhay dawladaha dunida saddexaad ee dhaqaalaha fiican soo yeeshay sida Turkiga, Sacuudiga, Imaaraadka Carbata iyo Qadar oo kale. Kuwaas oo noqday quwado-goboleed aan la yaraysan karin (Regional Powers) oo dhaqaale ahaana istaawiyey, oo isbeddelka quwadaha caalamka u arkay in ay ka dhex kaluumaysan karan.

Dawlado goboleedyada kor ku xusani waxay hadda si toosa iyo si dadbanba xidhiidh iskaashi oo hirgalay la samaysteen Russia iyo China, oo Maraykan indhihiisa oo shan ah hadda hub iibsi iyo iskaashi dhaqaale ba ula yeeshay labada dal.

Dawlada-goboleeyadaasu (Regional Powers) waxay dhaqaale ahaan soo gaadheen heerkii ay Ingiriiska iyo Faransiisku gaadheen rubicii u dameeyey ee qarnigii sagaal iyo tobnaad, waqtigaas oo uu dhacay arrinkii ahaa kala qaybsashada aduunka oo dhan, oo loo kala qaybsaday sida loo kala xoog weyn yahay (Territorial Division of the whole World) markaasna dhamman dalalka dunida saddexaad noqdeen Mustacmarado ay ay reer galbeedku gumaystaan.

Maanta dawlado-goboleedyani (Regional Powers) waxay koritaan ahaan raacayaan wadada horumarka ee loo yaqaan bilawga isbiirsiga lacagta ama maalka (Primary Accumulation of Capital) kaas oo ah mid ka mid ah qawaaniinta koritaanka hantida iyo dawladda. Mitaal ahaan Turkiga qiyaasta dhaqaalihiiu ama GDP giisu  waxuu gaadhay $909 bilion Dollar, halka Saudi Arabia uu gaadhay $646 billion Dollar, halka Imaaradka Carabta uu gaadhay $348 billion Dollar. Dhaqaalahaas xad-dhaafka ah ayaa keenay damaca ah ku luga fidsiga xaggan Geeska Africa, oo fursado dhaqaale iyo kuwo siyaasadeed oo dhammaystiraya istiratigiyadda militari oo looga baahday marin-biyoodkan Geeska Africa, oo lagama maarmaan ka dhigtay istiratijiyad ahaan in si degeg ah loo halqafo.

Waa taas sababta inoo keentay Turkiga, UAE, Sacuudiga iyo Qadar in ay soo qaadaan tallabooyin aad u dhiirran oo ay ku doonayaa inay dhib iyo dheefba inala qaybsadaan. Maxa yeelay maanta Adduunka ma jiro mabda’ii la odhan jirey Madax-bannaani dawleed ee waxaa jira mabd’a kale oo la yidhaahdo Isku-tiirsanaan (Inter-dependency).

Isbeddelka Itoobiya iyo saamayntiisa dhammaan gobolka. ‘’Itoobiya ma aha tii hore mana aha mid taagan tii hore’’. la soco.

adamjibril@hotmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here