Diyaarad Millatari Oo Cabdi Maxamuud Cumar Ka Dejisay Magaalada Addis Ababa Waxaa Kuweheliyay Saraakiisha Ugu Sareeya Ciidanka Liyuu Booliska

0
214

Diyaarad Millatari oo nooca Helicopter-ka ah ayaa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya waxa ay ka dejisay Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar oo laba maalmood ka hor xilka ku wareejiyay Axmed Cabdi Maxamed Ilkacase.

Ciidan hubeysan oo ka tirsan Millatariga Itoobiya ayaa shalay jirdil kadib waxa ay magaalada Jigjiga ka kaxeeyeen Cabdi Maxamuud waxayna u duuliyeen dalka Itoobiya.

Waxaa la sheegay in Madaxweyne Cabdi Maxamuud markii la geynayay Itoobiya ay la socdeen saraakiil ka kala tirsan Ciidanka Liyuu Boolis iyo kuwa Itoobiya, balse ilaa hadda si dhab ah looma oga xaalada uu ku sugan yahay Cabdi.

Suldaan Cabdullaahi Bashiir oo ka mid ah Odayaash ku dhaqan magaalada Jigjiga ee sida aadka ah ula socday markii la kaxeynayay Cabdi Maxamuud ayaa yidhi “Wallaalow waxa ka socda Jigjiga wax la sheegi karo ma ahan, Ciidanka Millatariga Itoobiya oo tiro ahaan gaaraya 6,000 oo askari ayaa isku geedaamay guriga Cabdi Maxamuud, kahor inta aysan kaxeysan ayay six un u jidh dileen, waxay u garaaceen si arxan daran, kadibna way kaxeysteen, magaalada dadkii ku noolaa waxay noqdeen kua cararay iyo kuwa la dilay, kuwa yar ee harayna hada ayay barakacayaan, waxaan codsaneynaa in gurmad lala soo gaaro dadkan.

Warar Qaar ayaa sheegaya in Madaxweynihii hore ee dowlad degaanka Somalida Itoobiya Cabdi Maxamuud ee la geeyay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, halkaasi Maxkamad lagu soo taagi doono.

Dadka falanqeeya siyaasadda ayaa waxay qabaan in Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed Ali uu gacanta ku dhigo Cabdi Maxamuud ay u sahashay isaga oo ka faa’ideysanaya kala qeyb sanaanta shacabka Soomaaliyeed, balse hadii ay Soomaalida isku xirnaan laheyd aysan sidan wax u dhici laheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here