Dookhu waa balaayo! – W/Q. Ibraahim Yuusuf Axmed “Hawd

0
117

Dookhu waa wax yaab leh. La garan maayo inankaa yar waxa hubka jeclaysiiyay. Maalintii uu dab ka leexday ayuu bilaabay in uu wixii gacantiisa soo galaba ka dhigto bunduq

oo kolba dhan u liishaamo. Ul, qori xaabo ah iyo wixii la mid ah inta uu labada madax xadhig kaga xidho ayuu garabka gashadaa, marna dad iyo duunyo wixii uu arko ku shiishaa. Ma jirin waxa uu ku ciyaaro waxa uu ka jeclaa qori bunduq u eg in uu la gaafwareego oo carruur iyo cirroole qofkii uu arko ku fiiqo.

”Naa yaadhaheen, waxa aan ka baqayaa kani in uu dilaa iga noqdo. Weligiin ma waxa aad aragteen ilmo carruur ah oo qori uu sito iyo xabbad uu rido mooyee aan riyo kale lahayn?!” Waa hadal hooyadii Dhudi laga maqli jiray markii uu yaraa.

”Naa dilaa iyo laayaanba ha kuu noqdo oo dunidan kibirtay ha iska celiyee dayso.” Kaasina waa hadalkii habaryartii Cawo.

Carruurta dookhoodu dhakhso ayuu isu rogrogaa oo iyaga oo waqtigooda iyo facood la haysta ayay hadba waxa cusub xiiseeyaan, isaga se jacaylka hubka ayaa lagu falay oo da’da u korodha waxba isu ma dooriyaan.

Guhaad oo sagaal jir ah ayuu aabbihii markii kowaad u oggolaaday in uu qorigiisa xabbad ka rido, kaas oo aanu culayskiisa qaban kareen ee odaygu u taageeray. Halkii la islahaa qaraxa laxaadka leh ayuu ka sasayaa waxa uu ka qaaday dardar iyo xiise cusub oo uu hubka u qabo. Isaga oo ooyaya mooyee gacantiisa waa laga furfuri kari waayay. Kolkaas ayuu aabbihii oo la yaabbani yidhi: ”Waar kani lafahayaga ayuuba noo dili!”

Waxaa laga soo noqday dagaalkii Soomaaligalbeed. Waxaa bilaabatay colaad sokeeye. Meel walba xabbad baa bawdaa ka haysa. Waxa keliya ee Geeska Afrika laga haqabla yahay waa hub iyo gaajo iyo dhimasho. Banaadiiqda iyo rasaastu waa sida daadka. Waa nin iyo inta awrkiisu u qaado. Tulud baa goysa hub dal dhan lagu gubi karo. Waxan malaa dad ma samayne waa midho dhir ka baxa! Badanaa oo ba’anaa oo haddana beec jabanaa! ayaa la yidhaahdaa kolka la la yaabo durdurradan dhimashada ah ee dhan walba u rogmanaya. Xabad-keliyaalihii lixdankii gaalku ka tegay, ee shanta qaalmood la ka la siisan jiray, ee xabbaddiisu sabeenta joogtay, balaayo wax ku fashay dalow baa lagu tuuray oo daxal iyo aboor baa lagu sooray, qaarna tumaalaha ayaa mindyo ka tumay. Maanta waxaa socda baas. Waxaa la yidhaadhaa ”baasku waa wax baas”. Goobta ay laba qabiilo isku galaan waxaa loogu riiqdaa sidii aan qofba ka hadhi doonin.

Guhaad qoyskoodu duunyada la dhaqdo kadin geel ah iyo laba tiro oo adhi ah baa u foofa. Geela isaga ayaa raaca. Kibir iyo islaweyni ayaa u dhan. Xagaagan qabow ee daruuraha culculusi dabaylxagaada la qooqayaan, ee aan haasaawe mooyee hawl adduun la qabin, barbaarta la da’da ah ayuu la bardoodamaa. Maanta ka hortow farxad walba oo uu qabi lahaa waxaa ka xumaynayay in aanu weli bunduq uu isagu lee yahay degta saarin. Reerka ayuu curad u yahay oo doonistiisa la ma waabiyo. Xagaagan uu lix iyo toban jirsaday waxa uu calmaday macawis Indoniisiya laga keeno oo la isugu faano, go shaal ah oo badanaa guurdoonku qaato oo Bagistaan laga soo waarido, kabo buudh ah oo Jabbuuti soo mara xaggaa iyo Faransiiskana laga keeno, iyo shaadh gacmodheere ah oo liidad dhaadheer leh. Intaba waxaa ka la sii qiimi iyo qaayo badan qori Kalaashinkoof ah oo uu xagaagan jeeniqaartay. Waxa uu ahaa barbaarka qudha ee degmada oo dhan intaa isku mar ku laafyooday.

Isaga oo lix iyo toban jir ah ayuu bilaabay mid hablaha oo dhan uga gooni ah in uu ku ilwaadsado. Araggeeda iyo sheekadeedu waa shidaalka ku socdo iyo sahayda uu ku gaadho kulankooda dambe. Erayadeeda, qosolkeeda, afkeeda, indhaheeda, dhabannadeeda, qoorteeda cududaheeda iyo kubabkeeda ayuu dhegaha iyo indhaha daajiyaa. Kolka ay dhanka qorraxda ka xigto waxa uu arkaa hummaagga marada ka hooseeya ee laabteeda iyo xaluskeeda. Wax aan intaa ahayn ku ma qabo, waxa ay se ugu qoondaysan tahay hoobaan isaga u kaydsan. Maalmaha iyo habeennada gaabiska ah waxa uu u tiriyaa in ay gaadhsiiyaan dharaarta ay naftiisu higsanayso. Dharaarta ay ooridiisa tahay ee uu gebigeedaba isagu lee yahay. Magaceedu waa Basra. Wuu iswayddiiyay magaceeda macnihiisa, waxa uuna bartay Basra in ay tahay magaalo fac weyn oo Ciraaq ku taalla. Haddana ayeydii Xaddiyo waxa uu ka bartay Basra in ay tahay magaca timir wacan. Garashadiisu kolkii ay labada isu geysay waxa uu ogaaday in ay labaduba run yihiin: waxaa jirta timir aad loo jecel yahay oo laga keeno magaalada Basra. Waxaa la mid ah timir laga keeno Xijaas oo iyadana la yidhaahdo Barni taas oo iyadana hablaha loogu magacdaro. Dookhu se waa balaayee hubka ayuu u jecel yahay.

Isaga oo yar ayuu ismahadiyay, waxa uu se imika ka hor dareemayay kaladhinnaan ilaa uu yeeshay qorigan dabalaabka ah. Xagaagan ayuu xoolaha reerka ka la baxay wax u gooya qorigaas iyo rasaas ku filan; qori halowle ah oo widhwidhaya oo aad mooddo in imika warshadda laga soo saaray, iyo weliba saddex boqol oo xabbadood oo rasaas ah oo ay boqol ka mid ahi tahay ifiso. Rasaasta inta ifisada ah waxaa loo qoondeeyaa in laga rido damaashaadyada ay ka midka yihiin aroosyada iyo iidaha, inta kalena waxaa loo qorsheeyaa in la la dhaco bani aadan madmadow oo soomaali la yidhaahdo. Xagaagan ayuu korkiisa ku hubsaday hugii iyo hubkii ugu qiimiga badnaa dunida.

Maalmahaas uu is’shaaximay waxa uu u ekaa qof adduunka ka baxay oo caalam kale galay. Jiritaanka oo dhan aad ayuu u liidayay oo u quudhsanayay. Tuulada oo uu dan iyo dan la’aantaba u yimaaddo dhoollatus ayuu ku joogaa, waxa uu se jecel yahay xoolaha dhexdooda iyo sheekada Basra. Meelahaas ayuu kolba dundun ku dhugtamaa. Ma toogasho xuma, wuu se og yahay dhulka in ay joogaan niman aan xabbadoodu dhulka u dhicini. Taasi waa libin ka maqan oo uu raacdadeeda hayo. Ilaa imika waxa uu dilay oo qudha doofaar iyo duke, labadaas oo uu ku bilkaydo dhugtiisa iyo awooddiisa nafgoynta.

Laba toddobaad ayuu imika hubaysan yahay. Hanka, islaweynida iyo qiimiga uu naftiisa u hayaa soohdin ma leh. Qorigiisa sida uu u jecel yahay wuu hubaa oo ma jiraan wax aan Basra ahayn oo uu u jeclaan karaa. Intaas daawasho ashqaraar leh ayuu ugu maqan yahay. Kolba inta uu dhabta ku qabsado ayuu rogrogaa oo rogrogaa oo rogrogaa ilaa ay indhuhu ku daalaan. Marmar buu inta uu iska yara durkiyo sheedda ka daawadaa. Marmar buu laabta gashadaa oo jidhkiisa ilaa dhuuxa dareensiiyaa. Marmar buu isaga oo aan ridayn toogasho-beenleeyaa. Marmar buu furfuraa oo birbir u ka la daadiyaa, dabadeed isaga oo daboolkii ka tuuray oo calooshii ka saaray oo mindhicirkii ka la filqay oo foolxun oo aad wax kale mooddo inta uu daawado qosolgariiraa. Haddana kolka uu dib isugu wada xidhxidho ayuu farsamadiisa bogaadiyaa. Habeenkii qoriga iyo Basra isku si ayuu ugu riyoodaa maalintiina laga ma yaabo in qorigu gacantiisa ka baxo inantana meel ay joogtaba araggeeda ayuu raadiyaa.

Aad baa maalmahan looga sheekeeyaa dagaalkii Xabashida la la galay. Ugu yaraan laba nin oo dagaalkaa ka qaybgalay baa degmada jooga. Intii dagaalku socday nin galay iyo mid been sheegaaba waa ay ku faanaan oo dadweyne u xiise qaba ku harowsadaan. Bananka Jigjiga wiilal qoryo fudud ku hubaysani in ay guutooyin gaashaaman ka dhex kaceen, Fayaambiiro nin miiggani oo walxo qarxa ku shaaximani inta uu buur fiiddeeda iska soo wadhfiyay in uu boholo nacabku yuururay ku dhex qarxay, Qalcadda Goday oo bilo dhan foodda la gelin waayay in uu halyey dayuurad ku xidhani dalqada u galay, iyo wax la mid ah ayay xalladdooda dhegeystaha neeftu kaga xidhantaa oo haddana sambabada guntooda ka soo dhufataa, dabadeed sidii wax soo miiraabay la wada dubaaxiyaa. Aad ayuu nimankaa u qaddariyaa. Wejiyadooda iyo gacmahooda ayuu aad ugu fiirsadaa, dadka aan dagaallamin waxa ay kaga duwan yihiin ayuuna ka dhex baadhaa.

Laakiin intii jabka halganku sugnaaday kuwii galay qudhoodu si kale oo aan faan ahayn ayay sheekada u dhigaan. Xan iyo ku-tidhi-kuteen guuldarrada lagaga baroordiiqayo ayay sheekadu u badan tahay. Dad xumi in ay hoogga dhacay sabab u ahaayeen ayaa dhan walba u burqatay. Taasi waxa ay mar kale nafaqaysay colaaddii reer hebel iyo reer hebel ee soojireenka ahayd.

Had iyo goor waxa uu dareemaa hilow uu u qabo in uu qorigaas ku dagaalgalo; mar uun in uu ku dagaalgalo. Kun siyood ayuu uga fekeraa marka uu ku dagaallami doono wacdaraha uu dhigi doono. Awoodda hubkiisa iyo isaga dhiirranaantiisu sida ay goobta dirirta ahaan doonaan ayuu maleeyaa. In uu geesi yahay iyo in uu dagaalyahan yahay ayaa u qoondaysan jeer maalinteeda la gaadho. Dagaal buu u busaylay. Qolada ugu horraysa ee uu la dhici doono iyo ninka ugu horreeya ee uu ku legdi doono ayuu maleeyaa. Qorigiisa teembada hoose ee sukadu ka dhacdo iyo ta dhexe ee wadarta afrogta kolba ta uu geyn doono ayuu sii tiriyaa. Tolalka isaga qoladooda deriska la ah iyo niman batraan ah oo uu degmadiisa ku yaqaan ayuu ka dhigtaa cidda ay ismudan doonaan ee uu halowlihiisa ku ibafuri doono.

Guhaad sidii uu hubka u yeeshay waxaa lagu arkay laba dabeecadood oo cusub oo ka la ah hadal yari iyo da’diisa oo uu iska weyneeyo. Muddo yar gudaheed ayuu aad u koray haddana noqday nin colaadeed. Maxay dhihi jirtay hooyadii markii uu yaraa: ”Naa yaadhaheen, waxa aan ka baqayaa kani in uu dilaa iga noqdo!” Aabbihiina muxuu yidhi markii uu sagaal jirka ahaa: ”War kani annaga ayuuba lafahayga noo dili!” Dadkuna af iyo uurba waxa ay ka lahaayeen ”dagaal haddii aad jeceshahay ha sugi waayin!”.

Xagaa qabow oo macaan oo cadar ah oo daruuraha culculus ee cadcad marna madmadow cirka galgalanayaan ayuu meel ugbaad ah geela oo aad u xasilay dhex joogaa. Geed xoday ah oo ay caws iyo dhir hoose jiq ku yihiin ayuu dugsigiisa fadhiyaa. Waa barqo. Kabihii wuu la baxay, go’ii shaalka ahaa oo ciid nadiif ah ugu goglan ayuu ku fadhiyaa. Qoordiid uu shalay ina adeerkii u gooyay ayuu ka dareemayaa laydha qadaadka iyo labada dhafoor ka salsalaaxaysa. Dhegihiisa iyo dhaayihiisa iyo sankiisa iyo jidhkiisa oo dhan iyo naftiisuba waxa ay ku milan yihiin degaanka uu dhex fadhiyo. Waxa uu dareemayaa wanaag iyo niyadsami aan soohdin lahayn. Raalli ayuu ka yahay naftiisa iyo jiritaanka oo dhan. Daqiiqad walba wuu koraya oo kobcayaa muruq iyo maanba. Haddii uu halkan ka kaco Basra oo meelahan adhi la joogta ayuu heli lahaa, haddii uu iyada waayana mid kale ayuu sheekadeeda iskaga maararroobi lahaa oo iska la joogi lahaa. Waxa uu se imika aad ugu shuqlan yahay qorigiisan cusub ee halowga leh.

Laan qallalan oo soddon tallaabo u jirta tuke saarraa inta uu xabbad ku riday oo dhulka soo dhigay, oo aad isugu bogay, ayuu bilaabay qorigii oo weli diirran in uu furfuro oo ka la dhigdhigo. Khasnaddii ayuu horta ka dhilliyay, xarbigii ayuu ka siibay, daboolkii ayuu ka fujiyay, dabadeed intii aanu tooratooraha ka saarin ayuu foororiyay oo afka hoos u jeediyay si uu ubucdiisa indhaha uga wada buuxsado. Waxa uu doonayay, sidii uu ayaamahan oo dhan ku hawllanaa, in uu aad uga bogto sida uu tooratooruhu xabbadda u qaato iyo sida marka keebka la qabto ay irbaddu xabbadda gumuca uga gujiso ee u qarxiso. Markii uu si wacan eegmada u saaray ayuu qunyar keebkii qabtay isaga oo doonaya in uu ku raaxaysto sida wacdaruhu gudaha uga dhaco. In yar ka dib waxa uu maqli doonaa dhawaaq yar oo filasho iyo filanwaa, farxad iyo naxdinba leh: QAC! Dhawr jeer ayuu ku so celcelin doonaa ilaa uu ka dhergo barashada bir waliba sida ay u dhaqaaqdo ee shaqayso ee qaraxa uga qaybqaadato. Laakiin markii uu keebka tuujiyay waxaa yeedhay dhawaaq dhulgariir ah oo ka soo baxay xabbad laxaadkeeda ku dhaadatay oo isaga gumaarka ka haleeshay: GIG!

Illayn kolkii uu qoriga khasnadda ka furay wuu illaaway xabbaddii dhuunta ku carartay in uu ka saaro. Illayn qoriga wuu foororiyay oo afkiisu isaga ayuu gumaarka kaga mudnaa. Isla markii ay xabbaddu si nacabnimo ah caloosha u dooxday ee mindhicirka debedda u soo qubtay ayuu isaga oo ay naftu iska gurayso dib u dhacay. Isla markaa ayuu qorigii oo ka la daadsan oo sidii neef bahal dooxay uurkujirtu ag wadhan tahay ninkii lahaa dhinac yaalyaallaa. Isla markaa ayay neecaw qaboobi maydkiisa, raqdii tukaha iyo qorigii wada martay.

Xabbaddii uu tukaha ku dhuftay waxaa meel durugsanayn ka maqashay Basra oo garatay in uu isaga yahay, dhankiisa ayayna u soo kacday iyada oo kolka ay isu muuqdaan iska dhigi doonta in ay meesha iska maraysay. Goobtii uu fadhiyay iyada oo in yar u soo jirta ayuu qaraxii xabbadda isaga dishay kaga nixisay. ”War lafahayaga ha noo dilin!” ayay ku tidhi cod yara dheer oo ay doonaysay in ay maqashiiso. Kolkii se ay isa soo dul taagtay raqda tukaha, maydkiisa iyo qoriga ka la daadsani sida ay isugu ekaayeen waxa aad moodaysay in ay iscanjilayaan. ”Alla hoogay oo ba’ay oo gacantaa go’day!” ayay ka soo boodday intii aanay iyada oo barooranaysa qayladhaan u cararin.

Ibraahin Yuusuf Axmed “Hawd”

 

Laasgeelnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here