Golaha Wakiillada: Hal diidaysa geed ay ku xoqato ma waydo (WQ: Cabdiraxmaan Cadami)

0
111

Xubnaha wakiillada waxa la soo doortay bishii sagaalaad 2005. Waxay aqalka fadhiyeen 13 sannadood oo xidhiidh ah, waxay ku jiraan xilli doorashadii saddexaad(3rdterm) waliba rag ka mid ah waxay qorshaynayaan sidii ay muddo kale u sii joogi lahaayeen.

Muddo dhaafka doorashada wakiilladu waxay xagal daacisay geeddi socodkii hannaankii dimuqraadiyadda Somaliland, waxay dhaawacday sumcaddii Somaliland ku kasbatay saddexdii doorasho ee u horeeyay. Halkii hore looga sii socon lahaa waxay u eeg tahay in laba tallaabo dib loo qaaday.

Umaddu waxay ka daashay doorasho mar kasta dib loo sii riixayo iyo korodhsiimo sharciga baalmarsan. Sidaas oo kale waxa iyaguna ka niyad jabay dawladihii Somaliland ka caawin jiray kharashka doorashooyinka iyo ururo baarlamaanka ka taageeri jiray dhinacyada tababarada iyo dhismeyaasha xafiisyada.

Haddaba, Maxaa hor taaggan in la qabto doorashada wakiillada? Caqabada ugu weyni waa waxa loogu yeedho SAAMI QAYBSI. Mar kasta oo doorasho soo dhawaato qaar ka mid ah xildhibaannadu waxay bilaabaan buuq iyo xaalad abuur iyaga oo ka faa’iidaysanaya xaasaasiyadda arrinta iyo xaaladda siyaasadda dalka.

Waxay adeegsadaan awooddooda sharci ka gole ahaan, madax dhaqameed iyo odayaal la soo abaabulay oo ku goodiya magacyo qabiil iyo in aan doorashada wakiillada la qaban Karin ilaa laga heshiiyo saami qaybsiga kuraasiyada oo ujeedaduna tahay in loo qoondeeyo tiro cayiman oo geed ka go’an ah iyada oo aan waxba lagu salayn, Soomaaliduna waxay tidhaahda: Hal diidaysa geed ay ku xoqato ma waydo.

Damaca iyo in ay kuraasida sii xejistaan waxa kale oo ku dhiiri geliya shicibka oo aan marnaba culays ku saarin in ay meesha ka tagaan ama aan dareenkooda u muujin sida ay uga xun yihiin dib u dhaca doorashada.

Si kale haddii loo dhigo waxa la baqo galiya hadba xukuumadda talada haysa oo doorashada in la qabto ka doorbida muddo kordhin loo sameeyo, waana ‘strategy’ iyo xeelad dhawr jeer u shaqaysay.

Si kastaba ha ahaatee Somaliland sidee ayay uga gudbi karta isbaaradan loo dhigay geeddi socodkii dimuqraadiyadda?

Inaga oo ah Qaran jira oo dawlad iyo dastoorba leh beesha caalamku inaga aqbali mayso in aynu awoodi kari wayno in la qaybin kari waayo 82-ka kursi ee golaha wakiillada. Haddaba shicibka guud ahaan gaar ahaan xukuumadda, xisbiyada, ururada bulshada rayidka ah iyo saxaafadda dhammaantood waa in ay iska kaashadaan sidii loo suurto galin lahaa qabsoomida doorashada golaha wakiillada oo aanay mar kale dib uga dhicin wakhtigii loogu talo galay ee 2019. Alle kama dhigo haddiise doorashadaasi mar saddexaad dib u dhac ku yimaaddo waxay noqonaysa dhirbaaxadii u dambeysay iyo dhimashadii dimuqraadiyaddii Somaliland ku faani jirtay. Sidaa daraadeed waa in lagu dhiirrada tirada saami qaybsiga gobollada iyada oo lagu salaynayo saamigii doorashadii hore oo lagu saleeyay tiradii kuraasidii 1960 oo lagu dhuftay laba iyo badh ama lagu saleeyo tiradii laga diwaangeliyay ama tiradii ka codaysay gobol kasta ama sidii kale ee laga maarmi waayo laakiin, caddaalad ku dhisan oo aan cidna laga duudsiyin saamiga ay xaq u leeyihiin cidna loo sad-burin.

W/Q: Cabdiraxmaan Cadami

Abdirahmanadami22@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here