Ciidamada Badda Dalka Liibiya oo Badbaadiyay Tahriibayaal Afrikaan Ah

0
46
Ciidamada Badda Dalka ayaa Xeebaha Galbeed ee Dalkaasi kasoo badbaadiyay 116 Tahriibayaal Afrikaan ah Axaddii Shalay.Dadkan ayaa xilligii la badbaadinayay ku safrayay Dooni ka samaysan Caag, meel Waqooyi kaga beegan degaanka Zuwaara oo ku taalla Galbeedka Liibiya, Sida lagu sheegay war kasoo baxay Ciidamada Badda.

Musaafiriintan la badbaadiyay oo ka kala socday Waddamada, Marooko, Masar, Suudaan, Maali, Gaambiya, Jaad iyo Nayjeeriya ayaa waxaa ka mid ahaa Shan Carruur ah, waxaana loo gudbiyay saldhigga Ciidamada Badda ee Tripoli, si loo geeyo xarumaha samafalka iyo Bini’aaddannimada, halkaasoo lagu baxnaaninayo xaaladdooda Caafimaad.

Tan iyo 2011-kii Liibiya waxay marin u ahayd Tahriibayaal u badan Afrikaan, kuwaas oo qorsheynayay inay Badda dhexe (Mediterranean Sea) kaga sii tallaabaan Waddamada reer Yurub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here