Nin Muddo 30 Sano Ah Hurdo Seexan, Sababta Ku Kalliftay & Dhibaatooyinka Uu Ka Cabbanayo !

0
106

Run ahaantii waa arrin aad u layaab badan in muddo 30 sano ah uu qof seexan waayo amase ay is iloobo hurdada, dadka qaar ayaan u adkeysan karin hurda la’aanta balse nin u dhashay Dalka Sucuudiga ayaan muddo 30 sano seexanin.

Ninkan waxa magaciisa la yidhaahdaa Al- Ghamidi waxaanu wareysi uu siiyay shabakada wararka ee Al-merghab oo Wargayska Himilo ka soo xigtay uu ku cadeeyay in aanu seexan muddo 30 sano ah, taasina waxay ka dhigan tahay inay hurdo haba yaraatee aanu seexan tan iyo markii ay da’diisu ahayd 40 jir, maadaama oo ay maanta da’diisu tahay 70jir.   Ninkan ayaa waxa uu sheegay inuu ka mid ahaa ciidammada Dalkaasi waxaanu sidoo kale cadeeyay in xilligaasi uu muddo 20 habeen ah aanu seexan oo uu ku jiray hawl ciidammeed.

Iintaasi kadibna, markii ay soo dhammaatay hawshaasi uu il iyo Baar isku keeni waayey ilaa iyo haatana aanu helin dhakhtar ka daweeya hurdo la’aantaasi.

Nin kani ayaa waxa uu amiirada Dalkaasi ka codsaday inay caawiyaan, waxaanu ku noolyahay Magaalada Baaxa ee Dalkaasi, qisada ninkani ayaa waxay dad badan ka aamineen in aanay xaqiiqa ahayn, sidoo kalena waxay dad badan aamineen in aanu qof Nooli muddada Intaasi leeg aanu hurdo la’aan Karin, balse waxaynu ku tilmaami karnaa inay ka mid tahay mucjisooyinka soo waajaha addoomaha kala duwan.

laasgeelnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here