Kenya: Boqorada Qurruxda Dalkaasi Oo Dil Lagu Xukumay, Kadib Markii Ay Ku Dishay Wiilkii Ay Jecleyd !

0
259

Maxkamad ku taalla Dalka Kenya ayaa waxay dil ku xukuntay mid ka mid ah haweenka ku guuleystay boqorada Qurruxda ee Dalkaasi.

Haweenaydan ayaa waxa magaceeda la yidhaahdaa Ruth Kamandy waxaanay da’deedu tahah 24 jir, haweenaydan ayaa waxa lagu soo eedeeyay isla markaana ku caddaatay inay si badheedh ah Mindi ula dhacday wiil ay is jeclaayeen oo ay 24 jeer Mindi gelisay.

Tartanka qurruxda ee ay haweenaydani ku guuleysatay ayaa ah mid loo qabto haweenka jeelasha ku xidhan ee Dalkaasi, waxaana haweenaydan la xidhay Sanadkii 2015kii xilligaasi oo ay dilkaasi geysatay, waxaanay Boqorada Qurruxda ku guuleystay intii ay xidhnayd ee ay xukun sugaha aheyd waxaana haatan lagu xukumay Xukun dil ah.

Hay’adaha Xuquuqda aadamaha ee Dalkaasi ayaa dilkii ay haweenaydaasi ku kacday ku tilmaamay inuu yahay mid aadminnimada ka baxsan.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here