Booliska Brazil Oo Raadinaya Dhakhtar Is-qurxin Layaab Leh U Samayn Jiray Haweenka OO Dil Gaystay

0
44

Dakhtar Bumbum oo reer Brazil ah oo ku caan baxay qaliinno uu ku qurxiyo dadka caanka baxay ayaa la la’yahay meel uu jaan iyo cidhib dhigay ka dib markii ay dhimatay haweenay uu irbad ku muday si ay badhyuhu ugu waawaynaadaan. Kaasi oo in muddo ah ku shaqaysan jiray I uu caawiyo haweenka doonaya in ay badhyahooda waaweyneeyaan oo irbado lagu mudo maadaama haween badan oo dhallinyaro ahi aaminsan yihiin in badhyaha waaweyni qurux yihiin.

Baadhayaasha kiiskan ayaa sheegay in Dr Denis Furtado oo Bumbum loo yaqaanaa uu sancadaas ku sameeyay haweenaydan dhimatay ee Lilian Calixto, isaga oo ku sugan gurigiisa oo ku yaalla magaalada Rio de Janeiro, balse waxay xannuunsatay intii uu sancada ku waday. Dr Furtado ayaa haweenayda ula cararay cisbitaal, halkaas oo xaaladeedu kaga sii dartay kuna dhimatay saacado ka dib, sida ay booliisku sheegeen.

Intaas ka dibna Dakhtarkii ayaa la waayay, garsoore ayaana bixiyay waraaqdii lagu soo qaban lahaa. Dr. Furtado oo 45 jir ah ayaa si joogto ah uga soo muuqan jiray telefishinnada Brazil, ciwaankiisa Instagram-kana waxaa ku taxnaa ku dhawaad 650,000 oo qof. Haweenaydan dhimatay ee Calixto oo 46 sano jirtay ayaa ahayd hooyo laba ilmood dhashay oo ka shaqaynaysay bangi, waxayna ka soo safartay magaaladii ay daganayd ee Cuiaba oo ku taalla badhtamaha Brazil si Dr Furtado uu ugu wayneeyo badhyaha habeennimadii Sabtida, sida ay wararku sheegayaan. Guriga uu sancadaas ku sameey Dakhtarku ayaa ku yaalla degmada Barra de Tijuca ee magaalada Rio De Janiero.

 

Laasgeelnews,com

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here