Xisaabiyihii Guud ee Shirkada Dp world Ee Dekada Berbera oo Is Casilay + Sababta

0
72

Berbera (LGN) Iimaan Yuusuf Iimaan oo ahaa xisaabiyihii guud ee Shirkada DPWorld ee dekada Berbera ayaa la sheegay in uu iska casilay xilkii uu hayay.

Iscasilaada xisaabiyaha ayaa lasheegay inay ka dambaysay markii uu saluugay shaqada uu gcanta ku hayay ee dekada Berbera. Xilka uu baneeyay ayaa waxa imika si ku meel gaadh ah uhaya ku-xigeenkiisii oo ah nin ka soo jeeda dalka Senegal.

Hadaba Illaa Iminka waxaa la Ogyahay uun in Xisaabiye Iimaan Yuusuf iimaan uu Xilkaasi Iska casilay Shirkada Dp World na aay ka Aqbashay is Casilaadiisa oo ahayd mid kadisa.

Illo wareedyo kaelana waxay Sheegeen in Mudadii u danbaysay ay Isku Dhacsanaayeen Mareeyaha Shirkada Dp world ee Dekada Berbera Superga, waxaana  Xogo wareedyadu intaa ku dareen in Xisaabiye iimaan uu Yahay Nin Ku  adadkaa sharciyada maamulka Xisaabaadka Balse uu  Ka Biyo Diiday gacan Dhaaf kaga Timid Masuuliyiinta Shirkada.

Warkan oo war shalay dibada u soo baxay  ahaa ayaa warbaahinta laasgeelnews. ka xaqiijisay ilo ku dhaw dhaw.

 

 

Laasgeelnews

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here