Masaafo Intee Leeg Ayey Isku Jiraan Ciidamada Somaliland Iyo Kuwa Puntland Ee Isku Hor Fadhiya Tukaraq?

0
580

Hargeysa (LGN):-Taliyaha Ciidamada qaranka somaliland sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa soo bandhigay inta ay isku jiraan ciidamada somaliland iyo kuwa Puntland.

Taliye Nuux Taani oo warbixin siinayey wefti ka socda somaliland oo gaadhay Tukaraq ayaa sheegay inaanay u dhawayn xadka ay somaliland la leedahay soomaaliya.

Taliye Nuux Taani oo arimahaas ka hadlaya aya waxa uu yidhi “Halkan aad joogtaan waa tukaraq, magaaladana waad soo aragteen, anaga iyo ciidanka naga soo horjeedaa waxaanu isku jirnaa 7km, marka burco laga soo qaado ilaa halkan aan joogno waxaanu ku nimid 21 sanadood anaga oo kolba meel soo dagaynay, maanta oo ay 2018 tahayna halkan ayaanu joognaa.”

Taliye Nuux Ismaaciil Taani oo hadalkiisa sii wata ayaa intaas raaciyey “xadkuna waxa uu maanta noo jiraa 60km ama 55km waayo waa Garoowe dusheeda, halkan maanta maanu iman balse 8 January ayaanu Nimid iyada oo sadex jeer oo aanu hore-na aanu nimid, beesha caalamku halkan ayey ogol yihiin madaxweynuhu inaanu joogno ayuu amar nagu siiyey”,

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here