Maareeyaha Marsada Berbera Oo Ka Warbixiyay Shirkado Caalamiya Oo Kormeer Ugu Yimid +Sheegayna In Ay Sameyn Doonan Meel Lagu Dayac Tiro Maraakiibta

0
302

Maareeyaha Marsada Berbera Oo Ka Warbixiyay Shirkado Caalamiya Oo Kormeer Ugu Yimid +Sheegayna In Ay Sameyn Doonan Meel Lagu Dayac Tiro Maraakiibta

BERBERA (LGN)-Maareeyaha Dekadaha Somaliland Siciid Xasan Cabdilaahi Ayaa manta Ka Warbixiyay Shiriikado Caalamiya Oo Maanta Kormeer ku yimid Dekada Weyn  Ee Berbera . Maareeye siciid oo warbaahinta u sheegay in ay sameyn doonan meelo lagu dayac tiro maraakiibta xumaata . waxayna booqdeen goobaha ku haboon ee lagu dayac tirikaro maraakiibta cadilanta, maareeyaha Oo ka hadlayay arrintan yaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa

“waxaa inoo yimid wafti aad u balaadhan oo ka kala socda dalka Belgium iyo Dalka Holland , Dalka Belgium Waxaa ka socday kanbaniyada DEME iyo CTOW , Holland Waxaa Ka Socday Kanbaniga SITO.

Maansha allaa berberi waxa ay noqotay meel ay cid walba ku soo hirato kuwan manta maraya waa wadamadii yurub

Waxa aynu jecelahay in aaynu sameyno

Daray dhog weyn oo maraakiibta lagaga shaqeeyo . maadaama ayna mandaqada oo dhami aaneyn la heyn halka ugu dhaw ee daray-dhoga lagashaqeeyo maraakiibta ay tahay wadanka Cumaan anaga oo fulineyna waa jibaadkii uu ina faray madaxweynaha JMSL in dalka mashaariic cusub lagaliyo shaqa abuur lagu sameeyo . waxa manta sharaf weyn inoo ah in ay inala joogaan sedexdaa kanbani oo inagal shaqeynaya sidaan u dhisi laheyn darey-dhoogaa wax ay soo direen khuburadoodii waa weynaa iyo madaxdii shariikadahaa “

waxa kale oo uu sheegay maareeyuhu in ay ilaa labad cisho ee fooda inagu soo haya ay qorsheyn doonaan goobaha laga hirgalin doono .maareeye siciid xasan ayaa umadda Somaliland ugu bishaareeyay in ay IISHA ALLAAH Noqoneyso berbera hooyada horumarka Somaliland.

Dhinaca kale maareeye siciid xasan ayaa fariin udiray dadka iskale maraakiibta iskaraabka ah  xumaatay ee yaala badaha Somaliland  in ay ka qaataan maraakiibta xumaatay badaha Somaliland, laga bilaabo 3/7/2018 una qabtay in ay mudo bil ah uga qaataan maraakiibtaa iskaraabka ah waxakale oo uu faray hadii ay intaa ku qaadan waayaan in ay dawladu gacanteeda kaga qaadi doonto oo ay iskaraab gareeyn doonto.

Guntii iyo gabagabadii Maareeye siciid Xasan C/laahi Ayaa Sheegay in ay isdaba socdaan shiriikadaha caalamiga ah ee daneynaya  maalgashiga bugcadan ay ku taalo magaala xeebeedka berbera ee Bada cas.

Halkan Ka Daawo

 

Laasgeelnews

Hargeysa/office

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here