Qaniinyada Maska:Heerka Khatarta Waabaayda Habka Daweynta Iyo Talooyinka Caafimaad Ee Ku Haboon

0
266

Hargeysa (LGN)- Caadi ahaan masaska iyo guud ahana bahalaha hoose waxa ay soo baxaan xilliga kulaylka badani jiro, oo aanay ku jiri karin godadkooda. Waxa ay taasi sababtaa in ay dhacdo in aadamaha ay meelo badan iska soo gaadhaan, gaar ahaan dhulka baadiyaha ama cidhifyada magaalooyinka ah, iyo dhulka dhismayaasha guunka ah ee aan la isticmaalin ku yaallaan.

Hadddaba haddii ay dhacdo in abeesada ama masku qofka qaniino talada koowaad ee ay tahay in aanu waqti ku lumin waa taynu inta badan filimada ku aragno ee ah in dib loo soo nuugo halka ay qaniintay, iyada oo dad badani u qaataan in suntii dib loo soo nuugayo, laakiin dhakhaatiirtu caddeeyeen in aanay wax faa’iido ah keenin.

Dilaa ma’aha laakiin waa khatar

Waxa ay khubarada suntu sheegeen in aanay waabayda masku sideeda dilaa toos ah u ahayn, balse ay keeni karto khataro aad u waaweyn.  Dr. Brett Knicks oo ah baresare oo ku xeeldheer daweynta xaaladaha degdegga ah, kana hawlgala xarunta Wake Forest Paptist Health, oo ku yaalla magaalada Winston-Salem ee gobalka North Carolina ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in sunta masku ay sababto kaar aan loo adkaysan karin iyo barar, sida oo kalana ay keeni karto nabar iyo dil-dillaac (Qaraxyo) lagu arko halka uu qaniinay. Waxa kale oo ay suntu burburisaa nudaha jidhka. Waxa uu Dr. Brett ka digay, haddii sunta / waabayda jidhka gashay badantahay, in ay sababi karto dhiigbax gudaha jidhka ah.

Calaamadaha lagu garto qaniinyada maska

Inta badan maska qaniinyadiisu waxa ay u kala darantahay hadba inta ya le’egtahay cabsida uu qabay ee qaniinyada ku kalliftay, waxa aana lagu yaqaannaa in aanu suntiisa sii wada deyn, haddii aanu cabsi weyn qabin. Haddaba calaamadaha lagu garto in qaniinyada maska ama abeesadu ay sun wadatay oo qofka ay sadhaysay waxaa ka mid ah:

– Haddii kaar badan iyo barar aad ku aragto nabar micidu samayso hareerihiisa, waa calaamad aad ku garan karto in waxa ku qaniinay uu abeeso yahay.

– Sida oo kale waxaa lagu kala garan karaa, masku inta badan waxa uu qaniinaa, kuraanta / qonofka ama gacanta, halka micidiisu ku dhacdayna calaamaddiisu sida abeesada kuma koobnaato ee markaba waxa uu ku faafaa aagga ka agdhow nabarka, tusaale ahaan dhudhunka lugta oo dhan ama gacanta oo dhan ayaa uu ku faafaa.

Khatarta maska

Sunta abeesada waxaa ku jira iskudhisyo aad u kala duwan oo awood weyn u leh burburinta iskudhisyada nudaha, iyo in ay burburiso barootiinnada keena xinjirowga dhiigga, arrimahaas oo sababa nudaha uu burbura iyo dhiig bax gudaha jidhka ah iyo barar. Haddii aan qofka laga daweyn qaniinyada xaaladdu waa ay sii xumaanaysaa, waxa aanay gaadhi kartaa illaa heer in ay go’aan faraha ama xitaa gacanta ama lugta uu qaniinay.

Talooyin caafimaad

Talooyinka ugu habboon in u uqofku raaco haddii uu mas qaniino waxaa ka mid ah:

– In sida ugu dhaqsaha badan qofka dhakhtar loogu geeyo, xitaa haddii qaniinyada maska, ama abeesadu sida mararka qaar dhacday ay tahay mid aan sun lahayn. Waxa uu cilmiga caafimaadku caddeeyey in qaniinyada maska iyo abeesadou ay keeni karto ‘Tetanus’ oo ah bakteeriya haddii aan la daweyn khatar badan keeni karta.

– Xubinta bahalku qaniinay waa in si dhaqso ah loo dhaqdhaqaajiyo oo xarakaad badan uu qofku sameeyo. Waxa ay caawinaysaa in ay daahdo faafidda suntan.

– Waa ay fiican tahay in la ogaado sida uu u eegyahay maska qofka qaniinay, si dhakhtarka loogu sheego, waayo waxa uu ka qaadan karaa qiyaasta inta ay le’eg tahay khatarta qaniinyadaasi keentay. Masaska iyo abeesooyinka kala duwan qaniinyadoodu waa ay kala khatar badan tahay. Dhakhtarka laftiisuna qaniinyada nooceeda iyo halka ay tahay waa uu ka qiyaasi karaa nooca uu bahalku ahaa.

– Waa in markaba la qoro ama la xafido waqtiga uu masku qofka qaniinay, si dhakhtarka loogu sheego. Waxa ay dhakhtarka ka caawinaysaa in uu garto muddada ay waabayda ama suntu ku jirto jidhka qofka.

– Qofka bahalku qaniinay waa in si dhaqso ah looga bixiyo dahabka ama murriyadda kale ee uu xidhan yahay dahab iyo dheeman ama macdan kale mid kasta oo ay tahay. Gaar ahaan haddii gacanta ama lugta uu ku xidhan yahay ay tahay ta uu masku qaniinay, si aanu marka dambe bararku khatar ugu keenin, maadaama oo ay meeshu intii dabiiciga ahayd ka weynaanayso.

– Haddii xanuunka awgeed iyo waqtiga dhakhtarka la gaadhayo oo dheeri ay dhacdo, waxaa qofka la sii siin karaa dawada Tylenol oo ah kaarjebin caadiya. Laakiin iska jir in aad isticmaasho dawooyinka kale ee kaarjebinta ah ee lagu ogyahay in ay dhiigga furfuraan. Sida Aspirin iyo Ibuprofen. Sida oo kale ha ku degdegin cunista dawooyinka aanad hubin in ay dhiigga furfuristiisa sababaan.

– Ha isku dayin in aad soo muudsato / dib u soo nuugto nabarka micida maska ama abeesadu sameeyey, waayo faa’iido uma laha qaniinyada, oo jidhka kama soo celin karo maadaama suntu ay tahay dareere markaba ku faafaya jidhka. In suntan aad soo nuugtaa waxa ay keeni kartaa in afkaaga ay suni gasho, taasina kugu keento khatar kale oo ka weyn tii ay qaniinyada darteed ku keeni lahayd.

– hareeraha ha ka xidhin nabarka uu masku qaniinay. Dad badan ayaa iyaga oo doonaya in ay ka hortagaan in suntu faafto marka uu mas qaniino waxa ay xidhaan halka uu qaniinay hareeraheeda. Laakiin taasi ma joojin karto faafiddii, balse waxa ay keentaaba khatar kale oo ah in dhiiggu ka yaraado ama ka joogsado nabarka uu masku qaniinay, in wareegga dhiiggu soo gaadhi waayaana waxa ay keenaysaa in burburka nuduhu sii bato, khasaaraha waabaydu gaadhsiinayso nabarka iyo hareerihiisuna ay badanayso.

Dawada

Dawada uu dhakhtarku siinayo qofka la qaniinay, waa in ay ku xidhnaato nooca uu bahalku yahay, abeeso ama mas iyo xitaa nooca maska, si uu u fahmo sida ay u kala darantay sunta jidhka gashay. Waxaa dhici karta xaaladaha qaar in dhakhtarku uu nabarka oo keliya soo nadiifiyo, kaddibna isaga oo aan qofka dawo siinin baxnaaniyo, si uu u hubiyo in dhibtu sidaa ku tagto iyo in kale. Waxa kale oo dhici karta in uu u baahdo in dhiigga qofka la shaybaadho, si loo hubiyo in ay jirto dhibaato dhinaca xinjirowga dhiigga ah oo suntii bahalku sababtay. Arrimahaas oo dhami waxa ay dib inoo xasuusinayaan qodobbadii aynu ku soo sheegnay muhiimadda ay leedahay in qofku uu garto nooca bahalka qaniinay.

 

Laasgeelnews.com

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here