Somaliya: Jubbaland oo xakun dil ku fulisay seddex askeri Oo hore dil ugeystay

0
218

Kismaayo (LGN)-Maxkamadda Ciidamada maamul goboleedka Jubbaland ayaa dil toogasho  ku fulisay seddex askari oo labo ka mid ah ay hore u dileen askar, halka midka kale uu dilay xaaskiisa.

Askarta dilka lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Cabdillaahi Asad Ismaaciil oo hore u dilay xaaskiisa oo lagu magacaabi jiray Muxubo Maxamad Guure, halka labada kale lagu kala magacaabi jiray Cabdirashiid Axmed Xasan iyo Aadan Cabdi Muumin.

Seddexdan askari ayaa dhowaan ay xukun dil ku riday Maxkamadda Ciidamada Jubbaland, kadib markii marqaati iyo caddeymo la horkeenay, waxaana maxkamadeyntooda ay socotay muddo bilooyin ah.

Shacabka magaalada Kismaayo ayaa aad u hadal hayey dilka toogasho ee lagu fuliyay askartan, waxaana mid ka mid ah kiiskiisa uu ahaa mid saameyn ku yeeshay bulshada deegaanka, markii uu xaaskiisa uu dilay

Saraakiil ka tirsan ciidanka Jubbaland iyo ehelada qoysaskii laga dilay ayaa goob joog ka ahaa fagaaraha askarta dilka toogashada ah lagu fuliyay.

 

Laasgeelnews.com

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here