Madaxweyne Biixi Dacwad Ka Dhan Ah Ka Gudbiyay Danjiraha QM Uqaabilsan Somaliland iyo Somaliaya Michael Keating

0
220

Warqad qoraal ah oo kasoo baxday xafiiska madaxtooyada Somaliland ayaa waxaa dacwad ka dhan ah xoghaya qaramada midoobay u qaabilsan arimaha soomaaliya Micheal Keating loo gudbiyay  xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres , madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa Keating ku eedeyay in uu usoo diray 10-june warqad xaqiiqda ka fog oo hal dhinac u xaglinaysa oo ku saabsan xaalada Tukaraq.

Sidoo kale Madaxweyne Muuse biixi waxa uu warqada dacwada ah ee uu gudbiyay Guterres ku sheegay in aaney ku farxsanayn warqada uu Keating usoo diray, horayna ay u aqbaleen 3 qodob oo uu soo hordhigay Dhinacyada isku haya tukaraq, arimaha la xidhiidha colaadaana ay mawqifkooda u gudbiyeen 14 bishii may ee lasoo dhaafay oo Keating uu booqasho ku yimi magaalada Hargaysa,  sidoo kale waxaa warqada laagu codsaday in xidhiidhka u dhaxeeya qaramada midoobay iyo Somaliland lasii adkeeyo.

 

Nuxurka warqada halkan ka Akhri

Laasgeelnews

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here