Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo Wadajir u Marti Gelinaya Koobka Adduunka 2026.

0
171

Hay’adda ugu sarreysa kubadda cagta FIFA ayaa ku dhawaaqday natiijada codeyntii loo qaadayay wadanka martigalinaya koobka Aduunka, waxaana helay wadamada reer North America ee midoobay [Mexico, Canada iyo USA] kuwaas oo codeyntii ku garaacay wadanka waqooyiga Africa ku yaala ee Morocco.

210 xubnood oo ka socday xiriirada hoos yimaada xiriirka kubadda cagta FIFA ayaa soo xaadiray shir weynahii maanta ka dhacay Moscow, afar ka mid ah kama qeyb gali karin codka maadaama ay ahaayeen kuwa loo codeynayay [Mexico, Canada, USA iyo Morocco] sidoo kalana waxaan codka ka qeyb galin jasiiradaha hoos yimaada dowlada Mareykanka sida: Guam, Puerto Rico, American Samoa and the US Virgin Islands.

Kaliya 15-ilbiriqsi ayey ku qaadatay iney codkooda dhiibtaan, waxaana la isku raacay in qaaradda America dib loogu celiyo markaan koobka Aduunka iyadoo 2014 halkaas la geeyay balse markaan waa waqooyiga.

Waxey ka dhiganaan doontaa marka waqtigaas la gaaro in 32-sano kadib lagu qaban doono koobka Aduunka waqooyiga America maadaama sanadii 1994 ay martigaliyeen wadanka USA.

Koobka Aduunka 2026 waxaa la rajeynayaa in la ciyaaro 80-kulan iyadoo ay 48 wadan ka qeyb gali donaan sida qorshaha yahay.

SIDA CODADKA LOO KALA HELAY:

North America: 134-cod

Morocco: 65-cod

 

Laasgeelnews.com

Hargeysa/office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here