MADAXWEYNE MUUSE BIIXI CABDI OO LA SHEEGAY INUU ISKU SHAANDHAYN KU SAMAYNAYO XUKUUMADIISA IYO QAABKA LA FILAYO INAY UDHACDO

0
231

Hargeysa(LGN)-Madaxweynaha Somalilland Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu wadaa in uu bishan aynu ku jirno ee June uu isku shaandhayn balaadhan ku sameeyo Xukuumaddiisa.

In kasta oo uu qorshuhu ahaa in May dhamaadkeeda ku sameeyo Isku shaandhayntaasi Xukuumaddiisa, hadana waxa ka soo dhex gashay Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan oo iminka gabogabo maraysa.

 

 

Isku shaandhaynta Uu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku samaynayo Xukuumadiisa ayaa ka danbaysa ka dib markii ay soo baxeen God-dalooliyin badan oo ku saabsan xubnihii uu u xushay in la shaqeeyaan oo aan sidii la rabay uga soo bixin xilalkoodii.

Masuuliyiinta Xilalkooda Waayi doona iyo kuwa la isku bedelayo ayaa waxa ku jira wasiiro, agaasimeyaal, guddoomiyeyaasha goboladda iyo xubno kale.

Masuuliyiinta iminka Xilalka haya ayaa wadnaha farta ku haya waxaanu mid waliba ku hawlan yahay sidii uu u badbaadsan lahaa xilkiisa in kasta oo uu bedelkoodu miiska saaran yahay.

Warkan laga helaayo ilo wareedyo u dhuun daloola Madaxtooyada ayaa sidoo kale waxa ay intaasi ku darayaan in uu Madaxweynuhu Soo Waddo Tiro ku dhaw ilaa tobaneeyo Wasiir ku xigeen oo uu damacsan yahay in uu ku damiyo saluuga ay beelaha qaarkood ku diideen saamiga uu xukuumadda ka siiyay.

Wasiirada La Sheegayo Inay wasaaradohooda Laga Bedeli doono ayaa waxa kamida Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo KJu fashilmay Wasaaradaas iyo shaqadeeda oo ay ugu horeyso Colaada Ka Taagan Ceel Afweyn oo aanay beelaha ishayaa Midkooda kalsooni ku qabin dhexdhexaadintiisa Maadama uu yahay dhinac kale. Waxaana La sheegaya inuu wasaaradii Madaxtooyada Madaxweyne Muuse Biixi dib usoo noolayn doono islamarkaana uu umagacaabi doono Wasiir Maxamed Kaahin Axmed halka uu wasarada arimaha Gudahana Umagacaabi Doono Wasiir Ka soo jeeda Beelaha kale oo aan magaciisa wali la carabaabin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here