Dowladda Uganda oo Canshuur Ku Soo Rogtay Dadka isticmaala Baraha Bulshada

0
20

Baarlamaanka Uganda ayaa ansixiyay sharci ku soo rogaya lacago canshuuro ah dadka isticmaala baraha bulshada sida Facebook, WhatsApp, Viber iyo Twitter. Dadka isticmaala baraha bulshada ayaa waxaa ay bixin doonaan lacag gaadheysa labo boqol oo shillinka Uganda ah taasoo u dhiganta Nus dollar maalin walba.

Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni xukuumadiisa ayaa arrintan dabada ka riixaysa iyaga oo ku dooday in baraha bulshada ay dhiirigeliyaan inay faafiyaan warar aan xaqiiq ahayn.

Hase yeeshee waxaan la ogeyn sida uu sharcigan u dhaqan geli doono iyadoo dowlada Uganda ay ku dhowaaqday in sharcigan uu dhaqan galayo 1da July ee sanadkan.

Wasiirka maaliyada dalka Uganda David Bahati ayaa u sheegay Baarlamaanka Uganda in kordhinta canshuurta ay tahay mid u saamaxaysa dowladiisa inay bixiso deymanka lagu leeyahay.

Dowlada Uganda ayaa waxa ay hadda dooneysaa inay diiwaangeliso dhamaan dadka isticmaala taleefanada iyadoo la qiyaaso dad gaadhaya 23.6 million ay isticmaalaan taleefanada gacanta lagu qaadto , halka 17 Malyan ay ku isticmaalaan taleefanadooda internetka.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here