Home Wararka Sheekh Maxamed Idiris Oo Faaleeyay Wixii Uu Ku Arkay Somaliland” Soomaaliyey Wax...

Sheekh Maxamed Idiris Oo Faaleeyay Wixii Uu Ku Arkay Somaliland” Soomaaliyey Wax Ha La Isku Qirro”

0
312
  • Safar Gaaban – Somaliland!
    Soomaaliyey Wax ha laysu qir!
  • Waxaan safar 2 asbuuc ku dhow ku gaaray Dawladda Somaliland. Waxaan aad ugu mahad celinayaa dadka walaalahay ah ee reer Somaliland, dawlad iyo dadweyne, soo dhowaynta diirran iyo qaddarinta, ilaa markii aan cagaha dhigay Caasimadda Hargeisa.
  • Si gaar ah waxaan ugu mahad celinayaa Madaxda garoonka diyaaradaha ee Cigaal, iyo dhamaan shaqaalaha oo mar walba gacma furan igu soo dhoweynayey.
  • Waxaa waqtigu igu simay inaan Hargeisa iyo Boorama Keliya gaaro, waxaanan dhihi karaa: Dadka reer Somaliland wexey gaadheen horumar dhinacya kala duwan oo aan Soomaali inteeda badani gaarin.
  • Wexey gaareen nabad gelyo wanaagsan iyo degganaan. Ilaahay ayaa siiyey, iyaguna sababtii ayey la imaadeen oo dadka ayaa nabadda raba oo ilaashada.
  • Wexey gaareen maamul dawladeed oo dhamaystiran, fulinta, sharci dejinta, garsoorka, ciidanka, laamaha amaanka, doorasho qof iyo cod ah, Madaxweyne iyo Barlamaan, iyo Aqal sare oo guurti ah.
  • Waxaa kaalin muuqata horumarka ka ah hantida gaarka ah, (private sector) dhismayaal casri ah, Masaajid qurux badan, ganacsi, shaqo abuur, wax barasho, caafimaad iwm.
  • Ma ihi qof dalka ku cusub, ama dadka soomaaliyeed eex u kala geli kara, dhamaan waa dadkaygii, iyo gacalkay, tii aan tagana ssi sharaf leh baa la iigu soo dhoweyn alxamdulilah calaa nicmatihi.
  • waxaan isku tiriyaa xog ogaal, inta soomaaliyi degto inaan u ahay, Muqdisha iyo Hargeisa, Burco iyo Boosaaso, Baardheere iyo Baydhabo iyo Beledweyne, Gaalkacayo iyo Garbahaarey iyo Gelinsoor iyo Gaarissa, Jabuuti iyo Jigjiga iyo Jawhar iyo Jilib.
  • Hargeisa ama Somaliland guud ahaan waa meelaha aan ugu badsaday marxalada kala duwan ilaa 1994-95, 97-98, 2000-2005-2018, waxaan filayaa inaan markhaati ka geli karo!
  • Waxaa wanaagsan Soomaaliyey in wax laysu qiro oo laysu quudho! Somaliland wexey gaadhey soomaali baa gaadhey, soomaalina waa hal qoys, oo xaafad ka mid ah Beejing ama bombay tira leeg.

    Waxaa wanaagsan Soomaaliyey in wax laysu qiro oo laysu quudho! Somaliland wexey gaadhey soomaali baa gaadhey, soomaalina waa hal qoys, oo xaafad ka mid ah Beejing ama bombay tira leeg.

    Wax ha laysu ogolaado, oo ha laysu garaabo, Soomaaliland wexey dheertahay dhulka kale ee soomaaliyi degto, nidaam ahaan iyo nolol ahaan halloo ogolaado!

    Xigasho: Sh idiris

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here