Wasiir SEED Oo Dhaqaale Loogu Talo-Galay In Beeraha Loogu Qodo Beeralayda Dan-Yarta Ah Ku Wareejiyey Maamulka Saaxil

0
11

Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Mudane Axmed Muumin Seed ayaa dhaqaale loogu talo galay in beeraha loogu qodo beeralayda Gobolka Saaxil ku wareejiyey Badhasaabka Gobolka iyo isuduwaha wasaaradda Beeraha ee Gobolka Saaxil.

Wasiirka oo madashaasi ka hadlay ayaa waxa uu sheegay in dhaqaaleloogu talo galay in 270 Qoys oo qoyskiiba loo qodayo Sadex saacadood ku wareejinayaan masuuliyiinta gobolka Saaxil, waxaanu yidhi isaga oo wasiirku arrimahaasi ka hadlaya “Mudane Guddoomiye waxaan halkan idiinku wareejinaynaa dhaqaale loogu talo galay in 270 Qoys oo ka mid ah beeralayda gobolka Saaxil beero loogu qodo, waxaanan rajaynaynaa in aad arintaasi si fiican uga soo bixi doontaan, waxaanu dhaqaalahani yahay dhaqaalihii ay soo ururiyeen guddidii ka soo kabashada abaaraha ee bulshada Somaliland laga soo ururiyey”.

Guddoomiyaha Gobolka Saaxil Eng Axmed Faarax Oo isna madaashaasi ka hadlay ayaa waxa uu balan qaaday inay sida ugu wanaagsan uga hawl gali doonaan sidii hawshaasi beeralaydii loogu talo galay u gaadhi lahayd, waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Dhaqaalahan loogu talo galay in beeralayda qodaal loogu sameeyo waxaanu ka hawl gali doonaa in sida ugu dhakhsaha badan beeraha loogu qodo beeralaydii loogu talo galay”

Isuduwaha Gobolka Saaxil ee Wasaaradda Horumarinta beeraha Maxamed Jaamac iyo Xoghayaha Gobolka Saaxil ayaa iyaguna tilmaamay muhiimada hawshan leedahay, waxaanay balan qaadeen inay sida ugu wanaagsan uga hawl gali doonaan sidii beeralaydii loogu talo galay beeraha loogu qodi lahaa.

Wasiirka ayaa dhaqaalahan Beeralayda loogu talo galay hore ugu soo wareejiyey masuuliyiinta Gobolada Sool, Sanaag, Saraar iyo Togdheer.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here